Booliiska Banaadir oo Shaaciyay Qorshe Hub-Ururin ah oo laga Fuliyo Xaafadihii Lagu Dagaallamay

0
The Commander of the Benadir Regional Police

Muqdisho – Taliska Qeybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in ciidamada ammaanka ay wadaan howlgal lagu ururinayo hub sharci-darro ah oo lagu qariyey xaafado ka tirsan degmada Cabdicasiis, kaddib dagaalladii dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho.

 

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay ku guda jiraan howlgal lagu baadi-goobayo laguna ururinayo hubkii ay wateen maleeshiyaadkii weerarka ku qaaday degmada Cabdicasiis, kaas oo lagu qariyey goobo kala duwan.

Taliska ayaa ugu baaqay shacabka ku nool degmada Cabdicasiis iyo nawaaxigeeda inay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha ammaanka si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida bulshada.

“Qofna lagama aqbali doono inuu gurigiisa ku keydiyo ama ku qariyo hub sharci-darro ah oo loogu talagalay in lagu carqaladeeyo amniga magaalada Muqdisho iyo kan guud ahaan dalka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Booliiska.

Sidoo kale, talisku wuxuu caddeeyay in tallaabooyin adag oo waafaqsan sharciga laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo inay ku lug leedahay kaydinta, qarinta ama fududeynta dhaqdhaqaaqa hub sharci-darro ah.

Booliiska ayaa shacabka ku dhiirrigeliyay inay la wadaagaan xog kasta oo ku saabsan hub sharci-darro ah, iyagoo ku wargeliyay inay la xiriiri karaan hay’adaha ammaanka.

Saraakiisha Booliiska ayaa sheegay in howlgalka hub-ururinta looga gol leeyahay sugidda amniga, xasilinta xaaladda iyo ka hortagga in mar kale ay dib u qarxaan iska horimaadyo hubeysan.

Howlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xalay hareereeyeen guriga degmada Cabdicasiis uu ka degan yahay Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Odawaa Yuusuf Raage.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here