Booliska HirShabelle oo gacanta ku dhigay nin bam ku tuuray fariisin ciidan

0

Ciidamada Booliska dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa gacanta ku dhigay nin xalay bam gacmeed ku tuuray fariisin ciidamada ammaanka ay ku leeyihiin Warshaddii hore Isnaay ee Sonkarta ee magaalada Jowhar.

Laamaha amniga ayaa sheegay in ay haataan wadaan baaritaano ku aadan shaqsigaasi oo lagu xiray saldhigga Booliska ee maagaaladaasi.

Qabashada ninkan ayaa timid, kadib markii isaga oo cararaya ay gacanta ku dhigeen ciidamo ka agdhowaa halka uu qaraxu ka dhacay.

Ammaanka Jowhar ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay ahaa mid deggan, waxaana howl-gallo baaritaano ah ka waday ciidamada Booliska HirShabelle, kuwa dowladda Soomaaliya ee ka howl-gala gudaha magaaladaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here