Kooxaha burcad-badeeda oo markab weyn ku afduubtay xeebaha Puntland

0

EYL (SMN) – Koox hubeysan oo loo badinayo inay Soomaali yihiin ayaa weeraray Markab xamuul ah oo ku socdaalayay calanka Liberia, xilli uu marayay Koonfur-bari degmada Eyl ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland.

 

Markabka ayaa ku socday dekedda Khalifa bin Salman ee dalka Bahrain, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Reuters oo soo xigatay shirkadaha gaarka ah ee la socodka maraakiibta ganacsiga Ingiriiska ee UKMTO iyo Ambrey.

Weerarkan waxaa ka horreeyay afduub markab yar oo ganacsi maalmo kahor loogu gaystay meel u dhow isla xeebaha degmada Eyl, sida ay shaacisay  hay’adda la socodka ganacsiga badaha ee dalka Britain.

Sare u kac ayaa maalmihii u dambeeyay ku yimid afduubka burcad-badeedda Soomaalida, iyada oo ciidamada Midowga Yurub ay sheegeen inay haatan wadaan dadaallo dheeraad ah oo looga hortegayo weeraradaasi.

Si kastaba, waxay tani ayaa sii kordhineysaa welwelka laga qabo in burcad-badeedda ay mar kale dib usoo laba kacleeyeen, kadib muddo ay ka caaganayeen xeebaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here