Laascaanood – Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Abwaan, oo kasoo jeeda gobolka Sanaag kana tirsanaa Golaha Wakiilada Puntland, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilkii xildhibaanimo.
Isagoo ka hadlayay shir ka dhacay magaalada Laascaanood oo lagu dhameystirayo maamulka SSC-Khaatumo, ayuu sheegay inuu go’aankaas u qaatay si uu uga qeyb qaato dhismaha iyo mideynta maamulkaasi.
Xildhibaanka ayaa sheegay in deegaanada uu metelayay ay si buuxda u taageereen maamulka SSC-Khaatumo, sidaas darteedna aanu sii wadan karin matalaaddii uu u hayay Puntland. “Bulshadii aan metelayay waxay doorteen SSC, aniguna waxaan la go’aansaday in aan la safnaado rabitaankooda,” ayuu yiri.
Maamulka Puntland ayaa si degdeg ah uga falceliyay iscasilaadda, iyadoo Xeer Ilaaliyaha Guud uu Golaha Wakiilada u gudbiyay codsi ku saabsan in xasaanadda laga qaado xildhibaanka, si loo suurtageliyo in la hor keeno sharciga.
Puntland waxay ku eedeysay Cabdirashiid inuu ku lug leeyahay abaabul ciidan oo ka dhan ah ammaanka guud ee maamulka.
Warqadda Xeer Ilaaliyaha ayaa xustay in Cabdirashiid uu baraha bulshada kusoo dhigay sawirro uu tuute ciidan xiran yahay, taasoo loo fasiray caddeyn muujinaysa in uu si firfircoon uga shaqeynayo hawlo amni darro. Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu jabiyay qodobbada 221, 223, iyo 233 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.
Xeer Ilaalintu waxay si gaar ah uga codsatay Golaha Wakiilada Puntland in xasaanadda laga qaado xildhibaanka, si hay’adaha amniga ay u fuliyaan howlgalka lagu soo qabanayo, loona bilaabo dacwad sharci ah oo rasmi ah.
Arrintan ayaa imaneysa xilli maamulka SSC-Khaatumo uu kusii fidayo gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, halka Puntland ay wajahayo cadaadis siyaasadeed oo sii kordhaya, iyadoo xildhibaano kale oo deegaankaas kasoo jeeda laga yaabo inay raacaan tallaabada Cabdirashiid.




