Taliska Ciidanka Daraawiishta Maamulka Jubaland ayaa la wareegay liiska iyo magacyada Malashyiaad hubeysan oo ku sugnaa Magaalada Balad Xaawo si Gobolka Gedo loo hoos geeyo Maamulka Jubaland.
Maleeshiyaadkan ayaa haatan ka mid noqonaya Ciidanka Maamulka Jubaland kadib markii ay waayeen dhaqaalihii ay ka heli jireen ganacsato ay isku heyb yihiin.
Taliye ku xigeenka Ciidanka Daraawiishta Maamulka Jubaland, Cali Xasan Deeq, ayaa la wareegay mas’uuliyadda maleeshiyaadkan, isagoona sheegay in ay ka mid noqon doonaan Ciidan ku jira diiwaanka Maamulka Jubaland.
Isagoo ka hadlay munaasabad kooban oo lagu qabtay Magaalada Balad Xaawo ayuu Taliyaha sheegay in dhamaantood ay yihiin Ciidan xuquuq ku leh Maamulka Jubaland.
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo Gobolka Gedo ay in muddo ahba isku hayeen Ciidanka Maamulka Jubaland iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya, maadaama Madaxweyne Axmed Madoobe uu xiriirka u jaray Dowladda Federaalka.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa in muddo ku taamayay sidii Maamulkiisa uu u gaari la’haa Magaalooyinka Gobolka Gedo, iyadoo xusid mudan in Shacabka Gobolkaasi badankiisa aysan la dhacsaneyn hannaanka maamulkiisa.
Weli waxaa taagan xiisad u dhaxeysa Axmed Madoobe iyo Madaxda ugu sarreysa Dowladda Federaalka maadaama uu sanadkii tegay qabtay doorasho dadban oo isagu uu ku soo baxay, taasi oo khilaaftay nidaamka doorasho ee qof iyo cod.
Dowladda Federaalka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay doorashadiisa, iyadoona Maxkamadda Sare ee dalka ay u jartay waaran soo qabasho, inkastoo Maamulka Axmed Madoobe uu isna soo saaray go’aan kaa la mdi ah oo lagu doonayo soo qabashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale, Magaalada Raaskambooni ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa la geeyay Ciidamo ka tirsan kuwa militariga iyo Booliska Soomaaliya si looga jawaabo doorashada Madaxweyne Axmed Madoobe.
Balse muddo 15 maalmood gudahooda, Ciidanka Axmed Madoobe ayaa dib u qabsaday Magaalada Raaskambooni, kana saaray Ciidankii lagu daabulay, iyadoona uu Magaalada Muqdish dib ugu soo celiyay askar ay nolosha ku qabteen, halka kuwa kalena ay u baxsadaan dhanka Xuduudka Kenya.
Illaa hadda lama ogga halka ay ku dambeyn doonto xiisada u dhaxeya labada dhinac, waxaana xusid mudan in xayiraad dhanka socdaalka lagu soo rogay Gobollada uu ka arrimiyo Axmed Madoobe, sida Magaalooyinka Kismaayo, Baardheere, Doolow iyo kuwa kale.



