Cali Saciid Fiqi oo ka digay faragelinta diyaaradaha Turkiga ee ka dhanka ah ciidanka Koonfur Galbeed

0

BAIDOA, Soomaaliya – Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Dr. Cali Saciid Fiqi, ayaa walaac xooggan ka muujiyay wararka sheegaya in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones) ee dalka Turkiga loo adeegsaday hawlgallo ka dhan ah ciidamada maamulka Koonfur Galbeed.

 

Guddoomiye Fiqi, oo soo saaray bayaan muhiim ah, ayaa ku sifeeyay tallaabadan mid “aad looga naxo”, isagoo xusuusiyay dowladda Turkiga doorkii saaxiibtinimo iyo garab istaaggii hagar-la’aanta ahaa ee ay la garab taagnaayeen shacabka Soomaaliyeed xilliyadii ugu adkaa.

“Turkigu wuxuu muddo dheer ahaa saaxiib la isku halleyn karo. Faragelin kasta oo lagu sameeyo khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha waxay calaamad u tahay isbeddel dhib weyn leh oo ku yimid doorkii Turkiga ee Soomaaliya,” ayuu yiri Guddoomiye Cali Saciid Fiqi.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay dowladda Turkiga inay ilaaliso dhexdhexaadnimada, kana fogaato tallaabo kasta oo loo fasiran karo inay dhinac ku taageerayso qaybsanaanta siyaasadeed ee hadda taagan. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in xilligan loo baahan yahay is-xakamayn si looga baaqsado isku dhacyo hor leh oo wax u dhima xasilloonida gobolka.

Warkan ayaa imaanaya xilli xaaladda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed ay mareyso meel xasaasi ah, iyadoo maanta ciidamada dowladda gaareey deegaanka Deynuunay oo ku dhaw Baydhabo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Dr. Cali Saciid Fiqi, ayaa walaac xooggan ka muujiyay wararka sheegaya in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones) ee dalka Turkiga loo adeegsaday dagaalka ka dhan ah ciidamada maamulka Koonfur Galbeed.

Guddoomiye Fiqi, oo qoraal uu bartiisa X soo dhigay, ayaa ku sifeeyay tallaabadan mid “aad looga naxo”, isagoo xusuusiyay dowladda Turkiga doorkii saaxiibtinimo iyo garab istaaggii hagar-la’aanta ahaa ee ay la garab taagnaayeen shacabka Soomaaliyeed xilliyadii ugu adkaa.

“Turkigu wuxuu muddo dheer ahaa saaxiib la isku halleyn karo. Faragelin kasta oo lagu sameeyo khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha waxay calaamad u tahay isbeddel dhib weyn leh oo ku yimid doorkii Turkiga ee Soomaaliya,” ayuu yiri Guddoomiye Cali Saciid Fiqi.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay dowladda Turkiga inay ilaaliso dhexdhexaadnimada, kana fogaato tallaabo kasta oo loo fasiran karo inay dhinac ku taageerayso qaybsanaanta siyaasadeed ee hadda taagan. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in xilligan loo baahan yahay is-xakamayn si looga baaqsado isku dhacyo hor leh oo wax u dhima xasilloonida Koonfur Galbeed.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli xaaladda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed ay mareyso meel xasaasi ah, iyadoo maanta ciidamada dowladda gaareey deegaanka Deynuunay oo ku dhaw Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here