Muqdisho – Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay, kadib markii dhawaan loo magacaabay hoggaanka ciidankaasi.
Munaasabadda xil wareejinta ayaa ka dhacday xarunta Taliska Ciidanka Asluubta, gaar ahaan dhismaha ku yaalla dhinaca Xabsiga Dhexe. Xilka waxaa si rasmi ah ugu wareejiyay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Asluubta, General Cilmi Waasuge Colow.
Xafladda ayaa waxaa ka qayb galay saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida, xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka, xubno ka socday Golaha Wasiirrada oo uu ku jiray Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda Ciidanka Asluubta, General Cilmi Waasuge Colow, ayaa sheegay inuu si rasmi ah xilka ugu wareejiyay Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, isagoo u rajeeyay inuu si hufan u guto waajibaadka loo igmaday.
Dhankiisa, Taliyaha cusub, Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay munaasabadda, isagoo carrabka ku adkeeyay in Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed u baahan yihiin dib-u-habeyn ballaaran si loo xoojiyo hannaanka cadaaladda iyo maamulka xabsiyada dalka.
Ugu dambeyn, taliyaha cusub ayaa ballan qaaday inuu xoogga saari doono:Horumarinta ciidanka iyo tayeynta shaqaalaha,Kor u qaadidda tayada adeegyada iyo maamulka xabsiyada,Ilaalinta xuquuqda maxaabiista, iyadoo waafaqsan sharciga iyo dastuurka dalka.





