Ciidamada AMISOM oo isaga soo baxay deegaan hoostaga magaalada Baraawe

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay isaga soo baxeen deegaanka Maryan Gubaay oo hoostaga magaalada Baraawe ee gobolkaasi.

Ciidamada AMISOM ayaa marka ay soo faarujiyeen, kadib waxaa lagu soo warramayaa inay deegaankaasi la wareegeen dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolka Shabeelaha Hoose.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in xoogaga Al-Shabaab ay isku fidiyeen deegaanka, isla-markaana ay ka bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo xoogan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada dowladda oo la rabay inay la wareegaan deegaankaasi aysan tegin, si ay u bedalaan ciidamada AMISOM.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan in dagaal uu ka dhaco halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here