Ciidamada ammaanka DF oo rag burcad ah ku qabtay degmada Boondheere

0

MUQDISHO (SMN) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal qorsheysan oo xalay ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa booliska ay ka sameeyeen gudaha degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

 

Howlgalkan ayaa waxaa lagu soo qabtay laba nin oo burcad ah, kuwaas oo dhac ka geysanayay degmadaasi, sida uu shaaciyay taliska booliska ee gobolka Banaadir.

“15/06/2023 abaaro 9:20am Taliska Qeybta Guud Boliiska G.Banaadir gaar ahaan saldhigga boliiska degmada Boondheere ayaa gacanta kusoo dhigay 2 nin oo dhac ka geysanaaye degmada,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska booliska gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in raggan la horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

“Eedeysanayaasha waxaana la horgeeyey maxkamada waxana la wafajin donaa cadalaada.Muwaadin haddii aad aragto fal amniga liddi ku ah warbixin gaarsii saldhiga kuugu dhow ama wac numberka gaaban ee 991”. ayaa markale lagu yiri warka booliska.

Maalmihii la soo dhaafay ciidamada dowladda ayaa kordhiyay howlgallada lagu sugayo amniga magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here