Baraawe – Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Uganda, Jeneraal Kayanja Muhanga, ayaa booqday ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), kuwaas oo ku sugan Soomaaliya, si uu u qiimeeyo xaaladdooda amni, diyaargarowga dagaal iyo hannaanka ay mas’uuliyadda amniga ugu wareejinayaan ciidamada Soomaaliyeed.
Booqashada Jeneraal Muhanga ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray horumarka ka bixitaanka ciidamada Uganda ee ku sugnaa gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan magaalada Baraawe, iyo qiimeynta awoodda ay ciidamadu u leeyihiin fulinta waajibaadkooda ciidan.
Taliyaha ayaa ammaanay xirfadda iyo dadaalka ciidamada Uganda, halka Taliyaha Qaybta Koowaad, Jeneraal Jackson Kayanja, uu bogaadiyay Kooxaha Dagaalka ee 44-aad iyo 45-aad, kuwaas oo uu sheegay inay si nidaamsan uga baxeen goobihii ay ku sugnaayeen, isla markaana ay mas’uuliyadaha amniga ku wareejiyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA).
Jeneraal Muhanga ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in ciidamada Uganda ay ilaashadaan diyaargarowgooda hawlgal, xilli ciidamada Soomaaliya ay si tartiib-tartiib ah ula wareegayaan mas’uuliyadda amniga dalka.
Waxa uu taliyayaasha ciidamada ku boorriyay inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta hay’adaha amniga Soomaaliya iyo bulshada deegaanka, si loo ilaaliyo guulaha laga gaaray dhinaca amniga, loona xaqiijiyo xasilloonida goobaha laga fuliyay howlgalka.
Dhanka kale, ciidamada Uganda ee toddobaadkii hore ka baxay magaalada Baraawe ayaa haatan ku sii jeeda magaalada Muqdisho, iyagoo safarkooda ku hakaday deegaanka Buulo Mareer, Iilaal iyo deegaanno kale oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose.
Kolonyada ciidamada oo ku socda gaadiid gaashaaman ayaa soo maray deegaanno ay ku xoogan yihiin dagaalyahannada Al-Shabaab, taas oo safarkooda ka dhigaysa mid u baahan feejignaan amni.
Ciidamada Uganda ayaa muddo dheer qeyb ka ahaa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyagoo ka qeyb qaatay dagaallo kala duwan oo lagula jiray Al-Shabaab, isla markaana door ku lahaa howlgallada lagu xaqiijinayay amniga deegaanno badan oo dalka ka tirsan.
Ka bixitaanka ciidamada qaar ee Uganda iyo wareejinta mas’uuliyadaha amniga ayaa qeyb ka ah qorshaha guud ee Soomaaliya ay kula wareegayso mas’uuliyadda amniga qarankeeda, iyadoo ciidamada AUSSOM ay sii wadaan taageerada ay siinayaan ciidamada Soomaaliyeed.




