Muqdisho – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR) ee Soomaaliya, Marwo Areti Sianni.
Kulanka dhexmaray labada mas’uul ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta u dhexeysa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Hay’adda UNHCR, gaar ahaan arrimaha la xiriira qaxootiga iyo mudnaanta shaqo ee hay’addu ka waddo gudaha Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka wada-shaqeyneed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo UNHCR, si loo horumariyo howlaha la xiriira qaxootiga iyo arrimaha kale ee hoos yimaada waajibaadka hay’adda.
Wasiir ku-xigeenka iyo Wakiilka UNHCR ayaa kulanka ku muujiyay sida ay uga go’an tahay sii wadidda iskaashiga iyo wada-shaqeynta dhow, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda dadaallada labada dhinac ee ku aaddan arrimaha qaxootiga.




