Ciidamada ammaanka Guriceel oo gacanta kusoo dhigay nin dil ka gaystay degmada

0

GURICEEL (SMN) – Ciidamada ammaanka magaalada Guriceel oo kaashanaya maamulka degmadaas iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane dhawaan dil ka gaystay halkaasi.

 

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Cabdisalaan Cali Axmed ayaa waxaa loo haystaa inuu dilay Marxuum Cabdullaahi Cali Hudey oo ka tirsana ciidanka Macawiisleyda deegaanka, sidoo kalena la dhashay taliyaha booliska degmada Curiceel.

Ninkan ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay ku raad-joogay ciidamada amniga, waxaana ugu dambeyn laga soo qabtay deegaan uu ku dhuumaaleysanayay oo lagu magacaabo Baag oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Soo qabashada eedeysanahan ayaa kusoo aaday, ayadoo xiisad ka dhalatay dilka uu ka gaystay degmada Guriceel ay maalmihii u dambeeyay ka taagnayd magaaladaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here