Sawirro: Wabiga Shabelle oo ku fatahay deegaano ka tirsan Shabeelaha Hoose

0

BUULO-MAREER (SMN) – Wabiga Shabeelle ayaa saacadihii la soo dhaafay ku fatahay deegaannada Buula-mareer iyo Golweyn ee gobolka Shabeelaha hoose, waxaana sawiro halkaas laga soo qaaday muujinayaan saameynta fataahadda.

 

Waxaa la soo warinayaa in kannaalada biyaha Webiga gudbiya ay sababeen fataahadda, waxeyna saameyn xooggan ku yeesheen dalaggii Beeraha ee dhawaan la beeray.

Sidoo kale degmooyinka Afgooye, Awdheegle iyo deegaanka jannaale ayaa iyagane Wabigu ku fattahay inkastoo aan ilaa iyo hadda wax khasaare nafeed ah la soo werin.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here