Ciidamada ammaanka maamulka Jubbaland oo fashiliyay weerar qarax ah

0

KISMAAYO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya baxaya howlgal qorsheysan oo ay xalay ciidamada Nabad-Sugidda Jubbaland ka sameeyeen gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

 

Howlgalkan ayaa waxaa lagu fashiliyay qarax miino oo lagu aasay mid kamid ah wddooyinka magaalada Kismaayo, sida ay shaaciysay Hay’adda Nabad-Sugidda ee maamul goboleedka Jubbaland.

Qoraal kasoo baxay Hay’adda ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada ay ka hortageen weerarkaasi, kadib xogo ay ka haleen bulshada deegaanka.

Sidoo kale Nabad-Sugidda Jubbaland ayaa u mahadcelisay shacabka, oo ay sheegtay inay kala shaqeeyeen ka hortaga weerarkaas oo ay ku eedeysay Al-Shabaab.

Inta badan Kismaayo iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa weeraro k fuliya xoogaga Al-Shabaab oo ku sugan gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here