Ciidamada ammaanka oo howlgallo ka sameeyay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa booliska oo kaashanaya ciidanka Boolis Milataaro ayaa xalay howlgallo ka sameeyay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.

 

Ciidamada ayaa howlgalladan si gaar ah uga sameeyay degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee gobolka Banaadir, kuwaas oo lagu xaqiijinayay amniga.

Wararka ayaa sheegaya in howlagalka uu ahaa mid ay ciidanka guri guri ugu baarayeen xaafadaha qaar ee degmooyinkaaas, si ay u hubiyaan amniga xaafadahaasi.

Sidoo kale inta uu socday howlgalka ayaa waxaa lagu soo qabtay tiro dad ah, kuwaas oo hal goob la’isugu geeyay halkaas oo ay kula hadleen saraakiisha laamaha ammaanka.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada amniga ay wateen qaar kamid ah dhalinyaradii lagu soo qabtay howlgalka, kuwaas oo laga shakiyay, si ay su’aallo dheeri ah u weydiiyaan.

Maalmihii u dambeeyay xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho ayaa maalmihii u dambeeyay daganeyd, waxaana howlgallo ka waday ciidamada dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here