Wararkii ugu dambeeyay xiisadda siyaasadeed ee maamulka Puntland

0

GAROOWE (SMN) – Xildbibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo saacadihii lasoo dhaafay gaaray magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed ka bilaabay magaaladaas oo ay haatan ka taagan tahay xiisad xoogan.

 

Xubnahan oo ka soo jeedo degmada Galdogob ee gobolka Mudug ayaa ku biiri doono siyaasiyiin, waxgarad iyo ganacsato oo ay isku ujeedo yihiin, kuwaas oo ku sugan Garoowe.

Sidoo kale waxaa la filayaa in xildhibaanada ka socda dowladda federaalka Soomaliya, balse ka soo jeeda Puntland ay la kulmaan madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, iyaga oo kala hadli doono khilaafka ka taagan hannaanka doorashada ee maamulkaasi.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in xubnahan ay doonayaan in la furo dastuurka, isla-markaana wax ka beddal lagu sameeyo qaar kamid ah qodobada, sida in la kordhiyo tirada xildhibaanada golaha wakiilada maamulkaasi oo haatan ah 66 xildhibaan.

2017-kii illaa 2018-kii ayaa xukuumaddii madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ay isku dayday in la kordhiyo tirada xubnaha baarlamaanka maamulka Puntland, kadib soo jeedin ka timid waxgaradka gobolka Mudug, balse waxaa si cad uga horyimid qaar kamid ah siyaasiyiinta Puntland, kuwaas oo tilmaamay in aysan sharci ahayn tallaabadaasi.

Si kastaba, Puntland ayaa haatan wajaheysa xaalad adag oo cakiran, taas oo ka dhalatay muranka hareeyay doorashada iyo khilaafka siyaasadeed ee haatan kala dhexeeya dowladda federaalka soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here