Ciidamada ammaanka oo rag hubeysan ku qabtay duleedka magaalada Muqdisho

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ay rag hubeysan xalay ku qaadeen bar-koontarool oo ciidamada ammaanka ay ku leeyihiin deegaanka Xaawo Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo dhex-maray ciidamada Haramcad oo ku sugnaa goobta la weeraray iyo kooxdii hubeysneyd ee weerarka qaaday.

Saraakiil ka tirsan Haramcad ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkaaas oo ay sheegeen inay ka dambeeyeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana uu dhacay dagaal kooban oo dhexmaray labada dhinac.

Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay inay gacanta ku dhigeen gaari NOHA ah & saddex ka mid ah xubnihii weerarka ku qaaday ciidanka booliska ee ku sugnaa barta koontarool ee ay ku leeyihiin deegaanka Xaawo Cabdi.

Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana goobihii uu ka dhacay iska hor imaadka ku sugan ciidamada ammaanka oo howl-gallo ka bilaabay halkaasi, si loo xaqiijiyo amniga wadada isku xirto magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here