Ciidamada Xoogga dalka oo fashiliyey gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa

0

Ciidamada dowladda ee ku sugan afaafka hore ee deegaanka Bacaadweyne ee Koofurta Gobolka Mudug ayaa saaka fashiliyay weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsanayay gaari land cruiser ah oo laga soo baxay walxaha qaraxa, sida ay shaaciyeen saraakiisha ammaanka.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa lagu soo warramayaa inay toogteen wadihii gaari, waxaana halkaasi ku qarxay gaarigii, sida ay xaqiijiyeen saraakiishu.

Wararka ayaa sheegaya in kaliya qaraxan uu ku dhintay wadihii baabuurka, waxaana ciidamadu qaraxa kadib ay sameeyeen howlgallo ballaaran.

Sidoo kale ciidanka xoogga dalka,kuwa daraawiishta Galmudug iyo shacabka deegaanka oo is-kaashaya ayaa saaka dhaq dhaqaaqyo ka wada  deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here