Addis Ababa – Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AU), Mudane Mahmoud Ali Youssouf, ayaa subaxnimadii xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qatar u fadhiya dalka Itoobiya, isla markaana ah Wakiilka Joogtada ah ee Qatar u qaabilsan Midowga Afrika, Danjire Saad bin Mubarak Al Nuaimi.
Danjire Al Nuaimi ayaa Guddoomiyaha Midowga Afrika u gudbiyay farriin niyad-wanaag ah oo uu ka siday Amiirka Dowladda Qatar, Amiir Tamim bin Hamad Al Thani.
Kulanka ayaa sidoo kale fursad u noqday labada dhinac inay xaqiijiyaan xiriirka muddada dheer soo jiray ee ka dhexeeya Midowga Afrika iyo Dowladda Qatar, iyagoo ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo wada-shaqeynta labada dhinac.
Wadahadalkan ayaa muujinaya dadaallada ay Midowga Afrika iyo Qatar ku doonayaan xoojinta xiriirkooda diblomaasiyadeed iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada ay danaha wadaagaan.




