Imaaraadka oo la sheegay in garoomada Berbera iyo Boosaaso u beddelay xarumo militari

0

MUQDISHO – Imaaraadka Carabta ayaa garoomada diyaaradaha ee Berbera iyo Boosaaso ka sameeyay xarumo militari, kuwaas oo lagu horumariyay kaabayaal ciidan, sida lagu sheegay baaritaan muuqaal ah oo uu 20-kii Nofeembar 2026 daabacay wargeyska The New York Times.

 

Baaritaanka oo ku saleysan sawirrada dayax-gacmeedka iyo xogta raadraaca duulimaadyada ayaa diiwaangeliyay ballaarinta xarumaha Berbera iyo Boosaaso, taas oo muujineysa kaabayaasha militari ee Imaaraadku ka hirgeliyay deegaannadaas, iyadoo aanay si toos ah uga hoos shaqeynayn dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warbixinta ayaa sheegtay in garoonka diyaaradaha Berbera ee Somaliland, kadib heshiis la gaaray sannadkii 2017, laga sameeyay isbeddello waaweyn oo u gogol xaaray in goobta loo adeegsado xarun militari. Waxaa ka mid ah godad, xarumo dhulka hoostiisa ah oo lagu kaydiyo rasaasta iyo shidaalka, nidaamyo difaaca cirka ah iyo goobo loogu talagalay ciidamada badda.

Sidoo kale, garoonka diyaaradaha Boosaaso ee Puntland ayaa la sheegay inuu isbeddel la mid ah ku tallaabsaday tan iyo dabayaaqadii sannadkii 2022, iyadoo la sameeyay ballaarinta dhabaha diyaaradaha oo gaaraya 3,200 mitir, hangarro diyaaradeed, goobo ay ku degi karaan diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo qalab amni oo dheeraad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here