Ciidamada badda Hindiya oo hareereeyay Markab lagu afduubey xeebaha Somalia

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada badda Hindiya ayaa hareeyay markab xamuul ah oo sitay calanka Malta kaas oo ay afduubeen dabley aan la garanayn – oo loo badinayo inay yihiin burcad-badeed Soomaali ah – gudaha badda Carabta.

 

Markabka MV Ruen, oo ay la socdaan 18 shaqaale ah, ayaa farriin u diray barta ganacsiga badaha ee Boqortooyada Ingiriiska Khamiistii, taasoo muujinaysa in lix qof oo aan la garanayn ay fuuleen markabka.

Ciidamada badda Hindiya ayaa ka jawaabay baaqaasi murugada leh iyagoo u soo diray markabka dagaal ee la dagaalanka burcad badeeda iyo diyaaradahooda ilaalinta badaha si ay u helaan una caawiyaan markabka.

Haddii la xaqiijiyo, waxay noqonaysaa afduubkii ugu horreeyay oo Markab loogu geystay xeebaha Soomaaliya tan iyo sannadkii 2017-kii markaasoo howlgal ay sameeyeen ciidammada badda ee caalamiga ah ay joojiyeen weerarada biyaha gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya.

Xarunta hawlgalada wadajirka ah ee EUNAVFOR ee Spain ayaa sheegtay inay heshay digniin ku saabsan afduubka markabka Ruen, xili uu ku sugnaa qiyaastii 500 nautical miles barigaJasiiradda Socotra, ee Soomaaliya.

Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, wali kama uusan hadlin afduubka markabka loogu geystay meel ku dhaw magaalada Boosaaso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here