Ciidamada Burundi iyo kuwa dowladda oo dib ula wareegay deegaanka Ceel Baraf

0

JOWHAR (SMN) – Ciidamada Burundi ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS oo kaashanaya kuwa dowladda ayaa maanta howlgal kula wareegay deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ciidamada huwanta ayaa gudaha u galay deegaankaasi, iyaga oo la wareegay saldhigyada ciidamada ee ku yaalla halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Burundi iyo kuwa Xoogga dalka ay si nabdoon kula wareegeen deegaankan oo ay horey weerar ugu qaadeen xoogaga Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan inuu dagaal ka dhaco deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelah Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here