Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo Villa Soomaaliya kula kulmay Farmaajo

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta booqday xarunta Villa Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay Madaxweynihii hore ee dalka, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa ujeedkiisu waxa uu ahaa is xog wareysi iyo soo dhoweyn, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Sidoo kale labada Madaxweyne ayaa isku soo hadal qaaday arrimo la xiriira qaban qaabada munaasabadda xil wareejinta oo loo qorsheeyey inay dhacdo todobaadka soo socda.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa horey u aqbalay natiijada kasoo baxday doorashadii looga adkaaday, isaga oo u hambalyeeyey Madaxweynaha cusub.

Waa markii ugu horresay ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxauud tego xarunta Villa Soomaaliya, tan markii xilka madaxweynaha mar labaad loogu doortay 15 kii bishan May, kadib tartan adag oo ka dhacay Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho.

Dhanka kale wararka ay Shabelle heleyso ayaa sheegaya in saacadaha soo socda Madaxweynaha uu shir kale la qaadan doono hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada ee haatan ku sugan caasimadda, si ay uga wada-hadlaan arrimaha taagan iyo sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen, maadaama u dhacay isbedal ku aadan hoggaanka guud ee dalka.

Si kastaba, kulamadan ayaa qayb ka noqonayo dadaallada uu wado Madaxweyne Xasan Sheekh oo horey u qaabilay taliyeyaasha ciidamada iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here