Maka — Ku dhawaad 2 milyan oo Muslimiin ah ayaa la filayaa in ay sanadkan 2026-ka gutaan waajibaadka accmaasha Xajka, iyadoo Dowladda Sacuudi Carabiya ay diiwaangelisay koror ku yimid tirada xujeyda imanaysa, isla markaana ay xoojisay diyaar-garowga adeegyada Xajka.
Xajka oo ah safar diini ah oo sanadle ah ayaa Muslimiinta adduunka oo dhan ka yimaadaan magaalada barakeysan ee Maka, si ay u gutaan cibaado ka mid ah tiirarka Islaamka oo Nebi Muxamed (NNKH) uu baray ummadda Islaamka in ka badan 14 qarni ka hor.
Xajku waa tiirka shanaad ee Islaamka, waxaana waajib ku ah qof kasta oo Muslim ah oo awood u leh dhinaca caafimaadka iyo dhaqaalaha in uu ugu yaraan hal mar noloshiisa guddoomo ama uu soo Xajjiyo. Waa astaan muujinaysa midnimada iyo isku duubnida Muslimiinta caalamka.
Cibaadada Xajka ayaa dhacda bisha 12-aad ee kalandarka Islaamka, taas oo sanad walba is beddesha marka loo eego kalandarka caalamiga ah ee qoraxda.
Dhanka kale, Ciidul-Adxa oo ka mid ah labada ciidood ee ugu waaweyn Islaamka ayaa ku beegan dhammaadka xilliga Xajka, waxaana ay astaan u tahay soo afjaridda gudashada waajibaadkan weyn ee diinta Islaamka.




