Ciidamada DF oo howlgalka ATMIS kala wareegay saldhihga degaanka Arbacow

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidanka Xasilinta ee Military-Police (MP) ayaa ATMIS kala wareegay fariisimahoodii degaanka Arbacow ee duleedka Muqdisho.

 

Taliyaha Ururka 3-aad, Guutada 22-aad ee ciidamada Maxamed Soomaali ayaa si buuxda amniga deegaankaas iyo degaannada kale ee ku dhaw la wareegay.

Arrintan ayaa qayb ka ah qorshaha bixitiaanka ciidamada ATMIS oo Soomaaliya isaga tegaya dhammaadka sanadka soo socda ee 2024.

Si kastaba, bishan sii dhammaaneysa ee June  ayaa lagu wadaa in 2,000 oo kamid ah ciidanka ATMIS ay isaga baxaan gudaha Soomaaliya, ayada oo taasay qayb ka tahay qorshaha ay amniga kula wareegayaan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here