Madaxweyne Xasan Sheekh oo war cusub ka soo saaray la dagaalanka musuqa

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa marka hore ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidul Carafa.

 

Madaxweynaha ayaa dul istaagay caqabadaha curyaamiyey nolasha dadka Soomaaliyeed oo musuq-maasuqu ugu horreeyo.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay heleyaan dowladnimo dhammeystiran, isku filnaan iyo nolol wanaagsan oo sharaf iyo karaamo leh markii la cirib-tiro musuqmaasuqa

Ugu dambeyn waxa uu wacad ku maray in dowladda ay si la mid ah Al-Shabaab ula diriri doonto xatooyada xoolaha dadweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here