Ciidamada dowladda oo Al-Shabaab kala wareegay deegaano horleh

0

BAYDHABO (SMN) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa lagu soo warramayaa inay saacadihii lasoo dhaafay la wareegeen deegaano ka tirsan gobolka Baay oo ay horey ugu sugnaayeen Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa howlgal culus ku qaaday deegaanka Moodo-Moodo, isla-markaana ay burburiyeen xarumo ay Al-Shabaab ku lahaayeen  halkaasi.

Sida uu sheegay taliyaha Ururka 46aad Guutada 8-aad Qeybta 60-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Xidigle Cadow Mohamed Cabdi waxaa howlgalkaas ay ku burburiyeen Xarun Maxkamad oo ay Al- Shabaab ku lahaayeen degaanka Moodo-Moodo ee Gobalka Baay sidoo kalena ay Ciidanku la wareegeen Saldhigyo Al -Shabaab ay ku lahaayeen degaanada Buulla-Fulaay Iidaalle Raama Cadooy iyo deegaanka Moodo-Moodo.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa gobolka Baay ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here