BONI, Kenya – Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ayaa sheegay inay dileen shan dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab intii lagu guda jiray howlgal gaar ah oo ka dhacay aagga Lacta Mangai ee keymaha Boni, gobolka xeebta. Howlgalka ayaa waxaa fuliyeen ciidamo khaas ah oo kaashanaya hay’adaha kala duwan ee amniga dalka.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah “Operation Amani Boni” oo muddo sanooyin ah ka socday keymaha cufan ee ku yaalla xuduudda Kenya iyo Soomaaliya, halkaas oo kooxda Al-Shabaab ay si xooggan ugu dhuumaaleysaneyso. Ujeeddada howlgalka ayaa ah in Al-Shabaab laga sifeeyo deegaankaasi si loo xaqiijiyo amniga.
Sida lagu sheegay war kasoo baxay KDF, ciidamada waxay gacanta ku dhigeen hub kala duwan, oo ay ku jiraan qoryo AK-47 ah, bam gacmeedyo, rasaas, qalabka tamarta qoraxda, teendhooyin iyo agabyo kale oo loo adeegsado samaynta qaraxyada gacanta lagu sameeyo (IEDs).
Ciidamada ayaa sidoo kale sheegay in dagaalyahanno kale ay dhaawacmeen balse ay goobta ka baxsadeen. Waxaa la sheegay in raadraac lagu hayo kuwa baxsaday si looga hortago inay dib u abaabul sameeyaan.
Kenya ayaa sanadihii u dambeeyay la tacaalaysay weeraro isdaba joog ah oo Al-Shabaab ka fulisay gudaha dalka, gaar ahaan gobolka xeebta iyo waqooyi bari.
Dowladda ayaa hadda xoojisay dadaallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyadoo sidoo kale taageeraysa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed dagaalka ka socda gudaha Soomaaliya.




