Muqdisho, Soomaaliya – Guddoomiyaha Guddiga Amniga iyo Difaaca ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Aadan Cabdinaasir Maxamed, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray tababar muhiim ah oo diiradda lagu saarayo xoojinta fahamka iyo habraacyada dib-u-eegista miisaaniyadda ee hay’adaha Amniga iyo Difaaca Dowladda Soomaaliya.
Tababarkan oo ay soo qabanqaabiyeen Guddiga Amniga iyo Difaaca ee Aqalka Sare, ayaa socon doona muddo laba maalmood ah, waxaana lagu baranayaa casharro la xiriira:
- Qaab-dhismeedka iyo jaangoynta miisaaniyad sanadeedka hay’adaha dowladda
- Habka dabagalka iyo isla-xisaabtanka ay Sanatarrada Aqalka Sare ku sameeyaan miisaaniyadda
- Kaalinta gaar ah ee Guddiga Amniga iyo Difaaca ee la xiriirta arrimaha miisaaniyadda
Guddoomiye Aadan Cabdinaasir ayaa xusay muhiimadda uu tababarkani u leeyahay kobcinta awoodda kormeerka iyo hufnaanta hay’adaha dowladda, isagoo tilmaamay in dadaallada noocan oo kale ah ay qeyb ka yihiin kor u qaadista amniga dalka iyo la-dagaallanka kooxaha argagixisada.
Xoghaye ku-xigeenka Aqalka Sare, Cabdullaahi Xaaji Geedi, oo sidoo kale madasha ka hadlay, ayaa ku boorriyay ka qaybgalayaasha in ay si firfircoon uga qayb qaataan, isla markaana ay soo bandhigaan aragtiyo, falanqayn iyo dood wax ku ool ah, si loo horumariyo fahamka miisaaniyadda iyo shaqada hay’adaha amniga.
Tababarkan ayaa ah tallaabo hor leh oo lagu taageerayo awoodda Golaha Baarlamaanka ee kormeerka miisaaniyadda iyo xaqiijinta isla xisaabtanka hay’adaha dowladda, si gaar ah kuwa ku shaqada leh arrimaha amniga iyo difaaca qaranka.



