Boosaaso – Ciidamada Difaaca Puntland ee PMPF ayaa magaalada Boosaaso soo gaarsiiyey markabka HONOUR 25, kaas oo 29-kii Sebtembar 2026 ay ciidamadu ka soo badbaadiyeen kooxo burcad-badeed ah oo hore u afduubtay.
Markabka oo ku gooshayey calanka Jasiiradda Palau ayaa maanta lagu soo xareeyey magaalada Boosaaso, halkaas oo ay kormeer ku sameeyeen mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Dowladda Puntland.
Saraakiisha PMPF ee gacanta ku hayey markabka ayaa mas’uuliyiinta Puntland siiyey warbixin ku saabsan xaaladda markabka, shaqaalaha saaran, hantida markabka, badqabka guud iyo xaaladda burcad-badeedda lagu qabtay hawlgalka. Burcad-badeedda lagu qabtay hawlgalka ayaa hore loogu wareejiyey laamaha kale ee amniga ee ku shaqada leh, si tallaabooyinka sharciga ah ee ku habboon looga qaado.
Saraakiisha PMPF ayaa sidoo kale shacabka Puntland u xaqiijiyey in aysan jiri doonin kooxo burcad-badeed ah oo dhulka iyo badda Puntland kusii sugnaada inta ay ciidamada Difaaca Puntland ku howlan yihiin sugidda amniga xeebaha.
Mas’uuliyiinta markabka ayaa Dowladda Puntland uga mahadceliyey sida ay uga hawlgashay soo furashada markabka iyo shaqaalihiisa, iyagoo xusay dadaalka iyo guusha laga gaaray hawlgalkii lagu soo badbaadiyey.
Mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland oo kormeeray markabka ayaa dhankooda faahfaahin ka bixiyey hawlgallada ka dhanka ah burcad-badeedda iyo dadaallada lagu sugayo amniga iyo xasilloonida xeebaha Puntland.
Mas’uuliyiintu waxay sidoo kale fariin adag u direen cid kasta oo ku lug yeelata falalka burcad-badeednimada, iyagoo caddeeyey in sharciga la horkeeni doono cid kasta oo lagu qabto falalkaas.
Dowladda Puntland ayaa sheegtay inay ka go’an tahay xoojinta amniga xeebaha, ka hortagga burcad-badeednimada iyo la dagaallanka dambiyada kale ee ka dhaca badda. Waxay sidoo kale sheegtay in cid kasta oo ku kacda falalka sharci-darrada ah ay la kulmi doonto tallaabooyin waafaqsan sharciga oo ay qaadaan Ciidamada Difaaca Puntland.






