Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay hub sharci-darro ah

0

GAROOWE – Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Taliska Qaybta Booliska Gobolka Nugaal, ayaa howlgal baaritaan iyo sugidda amniga ah oo ka socday barta hubinta gaadiidka ee Laacdheere, magaalada Garoowe, ku qabtay gaari nooca xamuulka ah oo siday hub sharci-darro ah.

 

War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu qabtay gaariga oo siday qoryo aan sharciyeysneyn.

Taliska ayaa sheegay in qabashada hubkan ay muujinayso dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Boolisku ugu jiraan ka hortagga hubka sharci-darrada ah, xakameynta falalka amni-darrada iyo sugidda nabadgelyada guud.

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Nugaal ayaa sidoo kale xusay in la sii xoojin doono howlaha baaritaanka iyo ilaalinta amniga, isagoo bulshada ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada, kana qeyb qaataan sugidda amniga iyo kala dambeynta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here