Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo bogaadiyey doorka WHO ee xoojinta badqabka caafimaadka Soomaaliya

0

Muqdisho  – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa xarunta dhexe ee wasaaradda ku qaabilay Wakiilka Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) u qaabilsan Soomaaliya, Dr. Humphrey Karamagi.

 

Wasiir Ku-xigeenka ayaa bogaadiyey taageerada ay WHO Soomaaliya ka siiso u diyaargarowga iyo ka hortagga cudurka Ebola, xakamaynta duumada iyo horumarinta adeegyada caafimaadka ee bulshooyinka ku nool miyiga.

Waxa uu sidoo kale soo dhoweeyey qorshayaasha hay’addu ku doonayso inay ku ballaariso hawlaheeda Soomaaliya, si loo xoojiyo adeegyada iyo barnaamijyada caafimaadka dalka.

Dhankiisa, Dr. Humphrey Karamagi ayaa ammaanay wada-shaqeynta iyo isku-duwidda dhow ee ka dhexeysa Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay’adda WHO.

Labada dhinac ayaa isku raacay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga iyo sii wadidda wada-shaqeynta dhinacyada caafimaadka, si loo horumariyo badqabka caafimaadka bulshada Soomaaliyeed.May be an image of one or more people, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here