Howlgal iyo duqeymo culus oo ka dhacay gobolka Hiiraan + Khasaaraha

0

BELEDWEYNE (SMN) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal ay maanta ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashanaya Saaxibada Caalamiga ah ayaa  ay ka fuliyeen agagaarka degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

 

Howlgalkan oo ay barbar socotay duqeyn xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay Garaash weyn oo ku yaal deegaanka Mukayle oo hoostaga degmadaasi, kaas oo ay ku sugnaayeen Shabaab.

Dowladda Soomaaliya oo ka warbixisay howlgalka ayaa sheegtay in lagu burburiyay afar gaari oo ay ka buuxaan qaraxyo, laguna diyaariyay halkaasi.

Sidoo kale dowladda ayaa sheegtay in halkaas lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab, balse ma sheegin tiro ahaan inta ay gaarsiisan yihiin.

Xaaladda ayaa haatan mid kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo ka mid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Inta badan gobollada dalka ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana ugu horreeya maamul goboleedyada HirShabelle iyo Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here