Ciidamada Xoogga Dalka oo Labo Jibaaray Howlgallada Cirka iyo Dhulka ee Ka Dhanka ah Al-Shabaab

0

JOWHAR – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maalmihii u dambeeyay labo jibaaray howlgallada cirka iyo dhulka ee ay ka wadaan deegaanada dowlad-goboleedka Hirshabeelle, gaar ahaan gobollada Shabeellaha Hoose, Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, iyagoo beegsanaya kooxaha Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya dhulkaas.

Wararka saacadihii ugu dambeeyay naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga ee ku sugan deegaankaas, gaar ahaan meelaha ku dhow jiinka webiga Shabeelle, ay gacanta ku dhigeen laba doonyood oo yar yar. Sida ay sheegeen saraakiisha, doomahaasi waxaa adeegsanayay kooxda Al-Shabaab, kuwaasoo ka gudbayay webiga si ay u gudbiyaan hub iyo dagaalyahanno.

Dhinaca kale, dadka shacabka ah ee ku nool jiinka webiga ayaa intooda badan doomaha noocaas ah u adeegsada gaadiid ahaan, si ay u dhaafsadaan raashin, qudaar iyo baahiyaha kale ee nololeed. Balse ciidamada ayaa sheegay in Al-Shabaab si qarsoodi ah ugu adeegsanayso isla doomahaas dhaq-dhaqaaqyada ciidan iyo gaadiidka hubka.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa tan iyo toddobaadyadii lasoo dhaafay bilaabay howlgallo qorsheysan oo gaar ah, kuwaasoo ay diiradda ku saareen doomaha yar yar ee ay tuhunsan yihiin in Al-Shabaab ka faa’iideysato si ay uga gudbaan wabiga, una abaabulaan weerarro dhanka kale ah.

Sidoo kale, saaxiibada caalamka ayaa dhankooda kordhiyay duqeymaha cirka ee ay ka wadaan deegaanada Al-Shabaab laga saaray iyo kuwa ay wali ku sugan yihiin, gaar ahaan gobollada Shabeellaha Hoose, Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, taasoo qayb ka ah dadaallada wadajirka ah ee lagu ciribtirayo kooxda Al-Shabaab.

Waxaa lagu wadaa in howlgalladaasi sii xoogeystaan maalmaha soo socda iyadoo dowladda Federaalka Soomaaliya ay horay u sheegtay in sanadka 2025 uu yahay midka lagu xoreyn doono guud ahaan deegaannada ay Al-Shabaab weli kaga sugan yihiin dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here