Ciidamadii Galmudug ee gadoodka sameeyey oo ka baxay Gaalkacyo

0

GAALKACYO (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ee bartamaha dalka ayaa sheegaya in saaka ciidamadii daraawiishta ee gadoodka sameeyey ay isaga baxeen saaka Kastamka Canshuuraha ee koonfura magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi.

Wasiirka warfaafinta Galmudug ayaa shaaca ka qaaday in lagu guuleystay in ciidamadu ay dib ugu laabtaan saldhigyadooda, ayna banneeyaan Kastamka Canshuuraha ee Gaalkacyo.

Sidoo kale wuxuu ballan qaaday, isaga oo ku hadlayey magaca madaxweynaha Galmudug in ciidamadaasi ay heli doonaan sida ugu dhaqsiyaha badan xuquuqda ka maqan.

Si kastaba, ciidamadan ayaa muddo saddex maalmood ah heystay Kastamka Canshuuraha ee koonfurta Gaalkacyo, kadib markii ay ka saareen ciidankii Booliska ku sugnaa halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here