Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka oo Nairobi ku Soo Bandhigtay Qorshe Lagu Taageerayo Dadka Soo Laabtay

0

NAIROBI, KENYA – Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku soo bandhigtay qorshe istaraatiijiyadeed oo saddex sano ah, kaas oo diiradda saaraya sidii xalal waara loogu heli lahaa caqabadaha haysta dadka Soomaaliyeed ee dib ugu soo laabanaya dalkooda hooyo iyo qoysaska barakacayaasha ah.

 

Qorshahan ayaa ah mid ka tarjumaya dadaallada Hay’addu ugu jirto sidii dadka soo laabtay iyo barakacayaasha looga gudbin lahaa xaaladaha nuglaanta, looguna abuuri lahaa fursado ay dib ugu dhistaan noloshooda, iyagoo helaya adeegyo aasaasi ah, fursado shaqo, daryeel caafimaad iyo hoy ku habboon.

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Mudane Liibaan Cabdi Cigaal, oo shir-guddoomiyay madasha, ayaa ka qeybgalayaasha u soo bandhigay qorshaha saddexda sano ee Hay’adda, isaga oo sharraxay mudnaanta iyo jihada ay Hay’addu u qaadday xoojinta ilaalinta, taageerada iyo dib-u-dhexgalka bulshada ee dadka soo laabtay iyo barakacayaasha.

Kulanka waxaa ka qeybgalay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Muwaadiniinta, Safiirka Sweden u qaabilsan Soomaaliya iyo Kenya,Wakiilo ka socday Midowga Yurub, Hay’adda Iskaashiga Horumarinta ee Jarmalka (GIZ),deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah ee fadhigoodu yahay Nairobi, masuuliyiin ka socday hay’adaha dowladda, ururrada bulshada rayidka ah, ururrada dhakhaatiirta, Rugta Ganacsiga iyo qeybaha kale ee muhiimka u ah hirgelinta qorshahan.

Ka qeybgalayaasha iyo deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah ayaa bogaadiyay qorshaha ay soo bandhigtay Hay’adda, iyagoo muujiyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga iyo taageerada dadaallada lagu horumarinayo nolosha dadka soo laabtay iyo barakacayaasha.

Guddoomiye Liibaan Cabdi Cigaal oo kulanka kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa faahfaahin ka bixiyay qorshaha iyo himilooyinka ay Hay’addu hiigsanayso, isaga oo xusay in mudnaanta koowaad ay tahay in dadka soo laabtay iyo barakacayaasha aan lagu koobnaan gargaar degdeg ah, balse loo abuuro fursado dhaqaale, shaqooyin, adeegyo caafimaad iyo hoy u suurtageliya inay nolol cusub bilaabaan.

Hay’addu waxay sidoo kale xoogga saaraysaa xoojinta iskaashiga dowladda, deeq-bixiyeyaasha iyo bahwadaagta caalamiga ah, si loo helo taageero isku-duuban oo horseedda xalal waara, isla markaana yareeya nuglaanta iyo barakaca soo noqnoqda.

Qorshahan ayaa qayb ka ah dadaallada Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ee ku aaddan gudashada waajibaadkeeda qaran, ilaalinta xuquuqda dadka ay u adeegto iyo xaqiijinta in dadka Soomaaliyeed ee dib ugu soo laabanaya dalkooda iyo kuwa barakacayaasha ah ay helaan fursad ay ku noolaadaan nolol sharaf iyo karaamo leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here