Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo jirdil iyo dhaawac u gaystay Wariye Aweys Ahmed Mohamud

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa maanta degmada Kaxda ee gobolka Banaadir jirdil xoogan ugu gaystay Wariye Aweys Ahmed Mohamud oo ka tirsan Wariyeyaasha Soomaaliyeed ee ka howlgala magaalada Muqdisho, gaar ahaan Idaacadda Danan.

 

Wariye Aweys Ahmed Mohamud ayaa xilliga loo gaysanayay dhibaatadan ku sugnaa degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, halkaas oo uu u tegay inuu kasoo tabiyo barakicin lagu sameynayay qoysas danyar ah oo ay ciidamadu si xoog ah uga rarayeen halkaasi.

Ciidamada tegay goobta ayaa gacan qaaday Wariyaha, waxaana dhaawac culus uu kasoo gaaray Garka hoostiisa, kadib markii lagu dhuftay qorayga caaraddiisa.

Sidoo kale askarta falkan gaysatay ayaa ayaa gacmaha iyo lugaha ka xir-xiray Wariye Aweys, ayaga oo dhulka seexiyay, kadibna haraanti iyo jirdillo kale u gaystay, waxayna kadib ku xireen saldhigga booliska, wallow markii dambe lasoo daayay, kadib dadaal uu sameeyay maamulka sare e warbaahinta.

Booliska ayaa ku eedeeyay Aweys Ahmed Mohamud inuu ka shaqeynayay kicin bulsho, kuna kacay qiyaano qaran, taas oo ay ku xalaaleysteen jirdilka iyo xarigga ay u gaysteen.

Soomaaliya oo ah dal kasoo kabanaya burbur iyo dagaallo sokeeye ayaa waxaa badanaa dhibaatooyin iyo tacaddiyo xoogan loogu gaystaa saxafiyiinta, kuwaas oo la kulma dil, dhaawac iyo hanjabaadyo joogta ah, waxayna dhibane u yihiin dowladda federaalka qudheeda iyo garabka kale ee kasoo horjeedo oo ah kooxda Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here