Ciidamo Kawada Tirsan Dowladda Oo Ku Dagaalamay Muqdisho, 2 Askari Oo Geeriyooday

0

Muqdisho, Luulyo 12, 2025 — Israsaaseyn u dhexeysay ciidamo kawada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka dhacday degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, taasoo sababtay dhimashada laba askari.

 

Wararka laga helayo goobta ayaa sheegaya in israsaaseyntu ay bilaabatay kadib markii ciidamo ku howlanaa aruurinta canshuurta ay tageen guri ay doonayeen in ay canshuur ka qaadaan, balse halkaas ay ku sugnaayeen ciidamo kale oo iyaguna ka tirsan dowladda, taasoo sababtay muran iyo is-fahamwaa dhaliyay dagaal fool ka fool ah.

Goobjoogayaal la hadlay idaacadda Shabelle ayaa sheegay in rasaastu ay cabsi xooggan ku abuurtay dadka deegaanka, iyadoo ganacsiyo badan iyo waddooyin muhiim ah la xiray muddo kooban.

“Waxaan maqlaynay rasaas xooggan, dadka waxay bilaabeen in ay kala cararaan, carruurtii iyo haweenkii wey argagaxeen,” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka oo codsaday in magaciisa la qariyo.

Ugu dambeyntii, xaaladda ayaa si tartiib tartiib ah u degtay kadib markii ciidamo kale oo ka tirsan kuwa ammaanka ay soo gaareen goobta, waxaana halkaasi isaga baxay askartii rasaasta ku furtay ciidanka canshuur uruurinta.

Ilaa hadda wax war rasmi ah kama soo bixin dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan dhacdadan, waxaana la filayaa in baaritaanno lagu sameeyo si loo ogaado sababta rasmiga ah ee ka dambeysay iska horimaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here