Ciidanka ammaanka oo gacanta ku dhigay mid ka mid ah rag dil ka geystay Muqdisho

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil ay xalay kooxo hubeysan ka geysteen qeybo ka mid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay agagaarka aargada Dayniile, waxaana loo geystay, Cabdi Cabdulle (Cabdi Juge) oo ahaa guddoomiyihii waaxda Kurdamac ee maamulka degmadaasi.

Sidoo kale waxaa dilka, kadib goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo gacanta ku dhigay mid ka mid ah raggii ka dambeeyey dilkaasi, waxaana baxsaday labo kale, sida ay shaaciyeen laamaha amniga,

Ninka gacanta lagu dhigay oo dhaawac ah ayaa waxaa lagu qabtay bistoolad, waxaana la wareegay hay’adaha ammaanka ee dowladda, si loo daaweeyo, kadibna loogu sameeyo baaritaano dheeraad ah,

Muqdisho ayaa waxaa maalmihii u dambeeyey ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo qaarkood ay sheegatay Xarakada Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here