Ciidanka Danab iyo Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyey gobolka Baay

0

Leego, Bay – Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyagoo kaashanaya saaxiibada dowladda Mareykanka, ayaa xalay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyey deegaanno hoos yimaada gobolka Baay, gaar ahaan deegaanka Leego.

 

Duqeyntan ayaa lagu burburiyey fariisimo ay kooxda Khawaarijta u adeegsan jirtay keydinta hubka iyo agabka qaraxyada.

Sidoo kale, goobaha la duqeeyey waxaa ku jiray qaraxyo ay Khawaarijtu qorsheynayeen inay dhulka ku aasaan iyo kuwo ay horey u aaseen, kuwaas oo loogu talagalay in lagu dhibaateeyo shacabka rayidka ah iyo gaadiidka isticmaala waddada isku xirta gobollada Shabeellaha Hoose iyo Baay.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Kumaandooska Danab iyo saaxiibadooda Mareykanka ay ugu jiraan ka hortagga khataraha amni ee kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan qaraxyada lagu bartilmaameedsado shacabka iyo dadka safarka ah.

Dhanka kale, inta kooxda Al-Shabaab ay sii waddo dhaq-dhaqaaqyada ay ku carqaladeynayso amniga iyo xasilloonida dalka, Ciidanka Kumaandooska Danab iyo saaxiibada dowladda Mareykanka ayaa sii wada howlgalada ka dhanka ah kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here