Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Waqooyiga Yurub iyo Afrika ee Oslo

0

Oslo, Norway – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qayb gashay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee waddamada Waqooyiga Yurub iyo Afrika, kaas oo ka dhacay magaalada Oslo ee caasimadda dalka Norway.

 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa shirka uga qayb galay magaca dowladda Soomaaliya, isagoo la kulmay mas’uuliyiin iyo wakiillo ka socday dalalka ka qaybgalay kulanka.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya waddamada Waqooyiga Yurub iyo Afrika, iyadoo la doonayo in la horumariyo iskaashiyada istaraatiijiga ah, lana kobciyo wada-shaqeynta dhinacyada ay danaha iyo mudnaanta wadaagaan dalalka labada qaaradood.

Ka qaybgalka Soomaaliya ee kulankan ayaa muujinaya dadaallada dowladda Federaalka ay ku xoojinayso xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay dalalka caalamka, gaar ahaan waddamada Waqooyiga Yurub, iyo sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe kordhisay ka qaybgalka shirarka heer gobol iyo heer caalami, kuwaas oo fursad u siinaya inay soo bandhigto mudnaanta siyaasaddeeda arrimaha dibadda, isla markaana ay raadiso iskaashiyo cusub oo taageera danaha qaranka.May be an image of the Basilica of the National Shrine of the Immaculate Conception

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here