Muqdisho – Safaaradda Jamhuuriyadda Jabuuti u qaabilsan Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay xiisaddii iyo weerarkii duhurnimadii 19-kii Nofeembar ka dhacay meel u dhow Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne, kaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Safaaradda ayaa sheegtay inay xiriir la sameysay taliska Qaybta Afraad (Sector Four) ee howlgalka AUSSOM, si ay xog uga hesho xaaladda ka dhacday agagaarka garoonka diyaaradaha.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamada howlgalka ay iska caabiyeen weerarka, isla markaana ay ka hortageen isku day la doonayay in lagu qabsado garoonka diyaaradaha. “Ciidamada howlgalka ayaa iska caabiyay weerarka, waxayna ka hortageen in garoonka la qabsado,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda.
Sidoo kale, Safaaradda Jabuuti ayaa xaqiijisay in taliska Qaybta Afraad uu u sheegay inaan wax dhimasho ama dhaawac ah soo gaarin ciidamada Jabuuti ee loo yaqaan Hiil Walaal, kuwaas oo ku sugan magaalada Beledweyne.
Safaaraddu waxay intaas ku dartay in joogitaanka ciidamada Jabuuti ee Soomaaliya uu qeyb ka yahay ballanqaadka dowladda Jabuuti ee taageerada nabadeynta, xoojinta amniga iyo xasilinta Soomaaliya.
Waxay sidoo kale tilmaantay in ciidamada Jabuuti ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu taageerayo shacabka Soomaaliyeed, iyadoo dowladda Jabuuti ay sii waddo doorkeeda ku aaddan howlaha nabad ilaalinta iyo taageerada amniga Soomaaliya. War-saxaafadeedka Safaaradda Jabuuti ayaa imaanaya xilli magaalada Beledweyne ay ka dhacday xiisad amni oo saameysay agagaarka garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif.




