Jubaland iyo WHO oo xoojinaya iskaashiga lagu ballaarinayo adeegyada caafimaadka

0

Kismaayo – Wakiilka Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ee Soomaaliya, Dr. Humphrey Karamagi, ayaa magaalada Kismaayo kulan kula yeeshay Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), iyaga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinaca caafimaadka iyo ballaarinta adeegyada caafimaad ee bulshada.

 

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa soo dhaweeyay Wakiilka WHO, isaga oo muujiyay sida ay uga go’an tahay maamulka Jubaland in uu sii xoojiyo wada-shaqeynta hay’adda, gaar ahaan dadaallada lagu daboolayo baahiyaha caafimaad ee ka jira deegaannada Jubaland.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xaqiijiyay diyaar-garowga maamulka ee ku aaddan taageeridda howlaha WHO, isaga oo carrabka ku adkeeyay in gargaarka bani’aadannimo uu si gaar ah diiradda u saaro dadka u baahan, lagana ilaaliyo faragelin siyaasadeed.

Wadahadallada labada dhinac ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray horumarinta adeegyada caafimaadka, kuwaas oo aan ku koobnayn oo keliya wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah, balse sidoo kale ay ka mid yihiin ballaarinta adeegyada daryeelka caafimaadka aasaasiga ah, tayeynta Isbitaalka Guud ee Kismaayo iyo sidii adeegyada caafimaadka loogu dhoweyn lahaa bulshada ku nool deegaannada kala duwan.

Waxaa sidoo kale laga hadlay taageeridda iyo tayeynta shaqaalaha caafimaadka dadweynaha ee heer degmo, si loo xoojiyo awoodda xarumaha caafimaadka iyo helitaanka adeegyo joogto ah oo bulshada loo fidiyo.

Dhankiisa, Dr. Humphrey Karamagi ayaa dib u xaqiijiyay ballanqaadka WHO ee ku aaddan sii wadista taageerada farsamo iyo wada-shaqeynta Wasaaradda Caafimaadka Jubaland, si loo horumariyo adeegyada caafimaadka loona helo xalal waara oo wax looga qabanayo baahiyaha caafimaad ee ka jira maamulkaas.May be an image of one or more people, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here