Accra, Ghana – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa magaalada Accra ee dalka Ghana kaga qaybgalay Kalfadhiga aan Caadiga ahayn ee Golaha Fulinta Midowga Afrika (AU Executive Council).
Wasiiru Dowlaha ayaa intii uu shirka socday sheegay in Midowga Afrika uu yeesho nidaam dhaqaale oo isku filan, isla markaana la xoojiyo Sanduuqa Nabadda ee Midowga Afrika (AU Peace Fund), si loo helo dhaqaale ku filan oo joogto ah. Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay hirgelinta Go’aankii Kigali ee canshuurta 0.2% ee badeecadaha qaaradda laga soo dejiyo.
Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa uga mahadceliyay dowladda Ghana martigelinta kulanka, wuxuuna soo dhoweeyay iskaashiga la soo jeediyay ee lala yeelanayo hay’adaha maaliyadeed ee dhinacyada badan ee Afrika.
Wasiiru Dowlaha ayaa sidoo kale taageeray dib-u-habaynta lagu mideynayo waajibaadka iyo shaqooyinka Guddiga Midowga Afrika. Waxa uu uga mahadceliyay dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika taageerada ay howlgalka AUSSOM ku siiyeen Sanduuqa Nabadda ee Midowga Afrika, isaga oo xusay in dakhliga ka soo xarooda maalgelinta sanduuqaasi uu sii taageero mudnaanta iyo baahiyaha qaaradda.
Ugu dambayn, waxa uu sheegay muhiimadda ay leedahay in Afrika ay iyadu hoggaamiso xal u helidda caqabadaha qaaradda, iyadoo la xoojinayo midnimada, iskaashiga iyo isku filnaanshaha dhaqaale ee Afrika.




