Gobolka Shabeellaha Hoose – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, ayaa howlgallo qorshaysan ka sameeyay deegaanka Madax-maroodi ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo qeyb ka ah dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasiloonida deegaannada gobolka.
Ciidamada ayaa howlgalka ka fuliyay goobo ay ciidamada ammaanka ka heleen xog ku saabsan dhaq-dhaqaaqa maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya deegaannadaas. Howlgalladan ayaa sidoo kale lagu beegsanayaa in laga hortago dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab iyo in laga sifeeyo deegaannada ay kooxdu isku daydo inay ka sameysato fariisimo iyo goobo ay ka abaabusho weerarro.
Kumaandooska Danab ayaa howlgallo ka wada deegaanno kala duwan oo hoostaga Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo ciidamada ay sii xoojinayaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab. Ujeeddada howlgaladan ayaa ah in la wiiqo awoodda iyo dhaq-dhaqaaqa kooxda, lana xaqiijiyo amniga shacabka ku nool deegaannada gobolka, si ay bulshada u helaan fursad ay si nabad ah ugu qabsan karaan howlahooda nololeed.




