Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya oo gaaray magaalada Baardheere

0

Baardheere – Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa gaaray magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

 

Safarka Taliyaha ayaa salka ku haya u kuurgelidda xaaladda amni ee Gobolka Gedo iyo kormeerka howlaha ay ciidamada Xoogga Dalka ka wadaan gobolka. Inta uu ku sugan yahay Baardheere, Taliyaha ayaa diiradda saari doona dardargelinta howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo xoojinta qorshayaasha lagu xaqiijinayo amniga deegaannada gobolka.

Sidoo kale, booqashada ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu qiimeynayo xaaladda ciidamada, baahiyaha ka jira goobaha ay ku sugan yihiin iyo sidii loo xoojin lahaa awoodda iyo diyaargarowga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Taliyaha iyo saraakiisha la socota ayaa la filayaa inay kulamo la yeeshaan saraakiisha ciidamada iyo masuuliyiinta amniga ee Gobolka Gedo, iyagoo ka wada hadli doona arrimo muhiim u ah amniga iyo howlaha ciidanka.

May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here