Ciidanka Koonfur Galbeed oo ka hortegay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa

0

BAYDHABO (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in xalay ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ay howlgallo ka sameeyeen agagaarka magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ka ah ee maamulkaasi.

 

Ciidamada ayaa howlgalkan ku fashiliyay gaari nooca raaxada ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kuna soo jeeday magaalada Baydhabo, sida ay shaaciyeen saraakiisha amniga.

Qoraal kasoo baxay Hay’adda Nabad-Sugidda ee Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay inay ka war heleen dhaq-dhaqaaq ay Al-Shabaab ka bilaabeen duleedka degmada, kadibna ay ka hortageen weerarkaasi qaraxa ah.

Koonfur Galbeed ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay ay xoojisay amniga magaalada Baydhabo, maadaama ay go’doomiyeen xubnaha Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Baay iyo Bakool ee maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here