Goobanle – Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ugaarsi iyo burburin ah ka fuliyey deegaanka Goobanle, oo ku yaalla aagga isku xira gobollada Shabeellaha Hoose iyo Bay.
Howlgalkan ayaa lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan Khawaarijta oo ku dhuumaaleysanayay deegaanka Goobanle. Sida lagu sheegay warbixinta, qaar ka mid ah xubnahaas ayaa la soo qabtay, halka kuwa kalena lagu raadjoogo. Howlgalka ayaa lagu sheegay mid looga hortagayo falalka amni-darrada ee saameeya shacabka Soomaaliyeed, laguna xaqiijinayo amniga deegaanka.
Ciidanka Danab ayaa sidoo kale sheegay in howlgalku qayb ka yahay dadaallada lagu ilaalinayo xasilloonida deegaannadii horay looga xoreeyay Al-Shabaab, lagagana hortagayo isku-day kasta oo lagu carqaladeynayo amniga.
Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, kuwaas oo ujeeddadoodu tahay xaqiijinta nabadda iyo xasilloonida deegaannada dalka.




