Muqdisho – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, László Máthé.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub ee dhinacyada difaaca, amniga, tayeynta awoodda ciidamada qalabka sida iyo taageerada dadaallada dowladda ee dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.
Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada uu la garab taagan yahay Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagu horumarinayo hay’adaha amniga iyo dhismaha awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa sidoo kale adkeeyey muhiimadda ay leedahay dardargelinta iskaashiga caalamiga ah ee lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida dalka. Dhankiisa, Danjire László Máthé ayaa muujiyey sida ay uga go’an tahay Midowga Yurub xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya, iyo taageeridda dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo horumarka dalka.




