Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgallo qorsheysan ka fuliyey deegaanno ku yaalla xadka Baay iyo Shabeellaha Hoose

0

Baay – Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 161-aad ee Guutada 16-aad, ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyey deegaanno ku yaalla xuduudda gobollada Baay iyo Shabeellaha Hoose, iyagoo si gaar ah howlgallo uga sameeyey deegaanka Yaaq Doomaar.

 

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ugu jiraan xaqiijinta amniga, la dagaallanka maleeshiyaadka Khawaarijta iyo ka hortagga falalka amni-darrada ah ee khatarta ku ah shacabka ku nool deegaannadaas.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii wada howlgallada lagu sugayo amniga deegaannada gobolka Baay iyo nawaaxigiisa, kuwaas oo ujeeddadoodu tahay xaqiijinta nabadgelyada iyo xasilloonida bulshada ku dhaqan deegaannadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here